DHAGEYSO: Xarun lagu barto cunto karinta oo Muqdisho laga furay “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya laga hirgeliyay xarun lagu barto cunto karinta qeybaheeda kala duwan, taasi oo lagu magacaabo Bilan Domestic Training Center (BDTC).

Munaasabad kooban oo ka dhacday xaruntan oo ku taalla wadada Taleex ayaa waxaa ka soo qeyb galay Aas aasayaashii xarunta, Culumaa’udiin, Aqoonyahano iyo mari sharaf.

Inta ay Munaasabada socotay ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Cuntooyin kala duwan, oo halkaasi lagu kariyay, kuwaasi oo isugu jiray Cuntooyinka fud fudud iyo kuwo kale oo aad u macaan.

Marti sharaftii ka soo qeyb gashay Munaasabadan furitaanka ah ayaa waxaa halkaasi loogu sameeyay qado sharaf, taasi oo ay aheyd mid casuumaadeeda aad u heer sareysay.

C/maalik Sheekh Ibraahim (Amiin) oo ka mid ah Aas aasayaasha xarunta ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhammaan marti sharaftii ka soo qeyb gashay Munaasabada lagu furayay xarunta Bilan.

Waxa uu sheegay xaruntan in ay iska kaashadeen dad mudan in ay bulshada u adeegaan, wuxuuna sheegay muhiimada xaruntan loo aas aasay in ay aheyd baahi ka jirta bulshada, gaar ahaan dhanka cunta karinta.

Ugu dambeyntii Maamulka xaruntan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka qeyb qaadan doonto Bilan hab dhaqanka iyo nolsha bulshada, iyada oo diyaarin doonta cunada caruurta, Waayeelada iyo dadka qaba xanuunada macaanka, dhiikarka iyo kuwo kale.

 

PHOTOS:- Cali Xasan Cali

bilan 3 Bilan 1bilan 4

bilan 2