DHAGEYSO: Xabsiyada dalka oo la kordhinayo

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa socda dardar gelin la xiriirta sidii dib u dhis iyo dayactir loogu sameyn lahaa Xabsiyada ku yaalla dalka gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa shalay dhagax-dhigay xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo oo laga dhisayo duleedka magaalada.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Xuseen Xasan Xaaji ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaalada maalmahan ay ku mashquulsan tahay sidii daryeel guud loogu fidin lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay dhagax dhiga Xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo inuu meesha ka saarayo baahidii loo qabo xabsi dhexe oo degaanku yeesho, wuxuuna tilmaamay arintan in ay qeyb ka tahay qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka dib loogu soo celin doono Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka dibaddiisa, kuwaasi oo aan heysan xuquuqdii Maxaabiisnimo, kadib marka la dayactiro xabsiyada dhexe ee dalka.

Waxaa jira Maxaabiis badan oo Soomaaliyeed oo ku xiran dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Hindiya, Kenya, Tanzania, Cumaan, Itoobiya iyo Jasiirada Sycheles, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa sidii dhalinyaradaas dalka dib loogu soo celin lahaa.