Hargeysa-RisaalaFM- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ka shaqeynayay qalqal gelinta amniga degaanada Somaliland.
Afhayeenka Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen Maxamed yaasiin Xasan iyo xildhibaan Maxamed Warsame oo ka tirsan Golaha degaanka, oo ay ku eedeeyeen falal amni daro.
Sidoo kale waxa ay sheegeen saraakiisha Ciidamada in Maamulka Somaliland uusan marna aqbaleyn in amni daro laga abuuro degaanada Somaliland, cidii falkaas ku kacdana sharciga la horgeyn doono.
Degaanada Somaliland ayaa Todobaadkan waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashada Madaxweynaha, taasi oo uu ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.


