Waxgaradka maamulada Galmudug iyo sidoo kale Puntland ayaa Maanta kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo .
kulanka oo ahaa mid balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan waxgaradka gobolka Mudug ayaa laga soo saaray baaq ku aadan colaada u dhaxeysa maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.
Waxgaradka ayaa soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu xalinaayo dagaalka Gaalkacyo.
1:- xabbad Joojin Rasmi ah.
2:- Ciidanka in la kala qaado.
3:- Wada hadal rasmi ah iyo Nabadeyn
Waxgaradka Puntland iyo Galmudug ayaa ugu dambeyn isku raacay in la joojiyo dirirta colaadeed, islamarkaana labada dhinac in ay joojiyaan xabadaha goos goos ah ee ay isku ridaayaan labada dhinac.
Maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug ayay ka codsadeen in ay joojiyaan dagaalka oo ay qaataan waan waanta ay wadaan waxgaradka gobolka Mudug.



