Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Saaka ay degen tahay Goobihii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Maamulada Puntland iyo Somaliland.
Sidoo kale waxaa degan xaalada guud ee gobolka Sanaag oo maalmihii dambe ay xiisado dagaal ka jirtay.
Dadka Shacabka ah ee halkaa ku nool ayaa ka Cabsi qaba in lagu kor dagaalamo oo mar kale uu halkaasi ka dhaco dagaal.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan diiwaan gelinta cod bixiyaasha ka qeyb galaya doorashada Somaliland eek u sugan gobolka Sanaag.
Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ee Maamulka Somaliland Axmed Xaaji Cali cadami ayaa sheegay in Somaliland ay sii wadeyso cod bixinta ay ka wado deegaanada gobolka Sanaag.
Hoos ka Dhageyso Codka:-


