Tiyeeglow-RisaalaFM- Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka haatan ay gacantooda ku jirin Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
Hada degmadaasi waxaa laga soo sheegayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah, inta badan shacabkii degmadaasi ku noolaa ayaa soo barakacay, cabsi ay ka qabaan Al-shabaab.
Ma jiro wax gar gaar ah oo ay helaan shacabka ku haray degmada Tiyeeglow, go’doonka ay saareen ururka Al-shabaab awgeed, sida uu Risaala u sheegay Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmadaasi.
Ibraahim C/raxmaan Maxamed Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Tiyeeglow ayaa sidoo kale sheegay Shabaabka in ay shacabka ku amreen in ay bixiyaan wax ay ugu yeeraan Zakawaad, balse arrintaasi shacabaka ay ka dhega adeegeen.
Warbixinta warkan waxaa magaalada Baydhabo inooga soo siray Wariyaha degaanada Koonfur Galbeed ee warbaahinta Risaala Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).


