DHAGEYSO: Wiil iyo Gabar wada dhashay oo ku dhintay Qarax ka dhacay Sh/Dhexe

Wararka naga soo gaaraya  degaanka Wiririfka oo 9 km u jira degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa  waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula eegtay Kolonyo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu Aasay , waxaana ku dhintay Wiil iyo Gabar wada dhashay oo goobta Maraayay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Wiilka iyo Gabdha in ay  saarnaayeen Mooto ,islamarkaana ay ku joogeen wadda Qaraxuna uu ka dhacay.

Ciidamada AMISOM ayuu Sheegay qofkaasi ka mid ah dadka degaanka in aysan khasaare kasoo gaarin Qaraxa.

Inta badan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lala eegtaa miinooyin lagu Aasay wadooyinka ay ku safrayaan waxaana waxyeelo ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah.