DHAGEYSO: Waxgaradka reer Hiiraan oo sheegay in ay is fahmeen Ra’iisul wasaaraha

Qaar ka mid waxgaradka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in sida wasiirka uu wax u sheegay aysan u sax sanayn oo wadahadaladaas dhexmaray Ra’iisul wasaaraha iyo Waxgaradka gobolka Hiiraan ay ku soo dhamaadeen is afagaran waa oo lagu soo kala tagay.

Waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku doodayaan in Ra’iisul wasaaraha ay isku fahmi waayeen markii rabitaankooda ay u sheegeen.

Dhanka kale qaar kale oo ka mid waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay wadahadalada ay Ra’iisul wasaaraha la yeesheen, waxayna sheegen in ay is fahmeen ayna diyaar u yihiin in Jowhar ay adaan si ay kaga qeyb galaan shirka halkaasi ka socda kaas oo maamul loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.