Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaalada Magaalada ay tahay mid adag in la xaliyo madaam ay ciidamo ay isku horfadhiyaan labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo.
Nabadoo Cali Diiriye oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay in ay wadaan waan waan lagu doonaayo in lagu hakiyo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Cali Diiriye ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Beesha caalamka in ay soo faragaliyaan colaada Gaalkacyo oo uu sheegay in ay ka weyn tahay waxgaradka madaam dagaalku uu u dhaxeeyo labo maamul.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka degan , halkaasi oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka jirtay xaalad adag oo dhan amniga ah.
Shalay Magaalada waxaa kusoo dhacaayay Rasaas goos goos oo ay isweydaarsanaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.


