DHAGEYSO: Wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug oo baaq loo diray

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug ee ku sugan Magaalada Muqdisho in ay dib ugu laabtaan Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay isugu tagi doonaan Magaalada Cadaado Madaxda Galmdudug , islamarkaana ay ka shiri doonaan sidii  Galmudug ay u yeelan la heyd Madaxweyne .

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka kunool degaanada Galmudug laga doonaayo in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka iyo sidoo kale Maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hadda ah hoggaanka ugu Sareeya Galmudug , waxaana uu sidii wadi doonaa shaqada Galmudug tan iyo inta Galmudug ay ka yeelanayso Madaxweyne Cusub.

Madaxweynihii Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimada Galmudug shalay Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa.