Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Biyaha oo Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Xukuumadda Somaliya ay hosoo diyaarisay.
Hindise Sharciyeedkan ayaa maray heerarka kala duwan ee akhrinta, waxaana ugu dambeyn maanta loo qaaday cod, iyadoo xubnaha golaha Shacabka ay aqlabiyad leh ku ansixiyeen.
147 Xildhibaan ayaa ansixisay Hindise Sharciyeedkaan, waxaana diiday saddex Xildhibaan ma jirin Xildhibaan ka aamustay sida uu ku dhawaaqay codeynta ka dib Guddoomiyaha golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Wasiirka Wasaaradda Korontada Iyo biyaha Xukuumadda Somaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka tallaabada ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Biyaha.
Wasiirka ayaa sheegay sharcigaan inuu wax badan ka bedeli doono hanaanka Biyaha Somaliya oo qorshe cusub ay u diyaarisay Wasaaradiisa.



