DHAGEYSO: Wasiir Odawaa ”Waxaan diyaarineynaa caasimadda Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odawaa oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay tagi doonaan magaalada Buullo-burde si loo indha indheeyo xaalada ay ku sugan tahay magaladaas.

C/raxmaan Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in la da dajinaayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo SH/Dhex.

Waxaana uu tilmaamay in sababta loo booqanayo Buullo-burde ay tahay si loo dhiso xarumihii uu ku shaqeyn lahaa maamulka loo dhisidoono Hiiran iyo SH/Dhexe.

Hadalka wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odawaa ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii udambeeyay dowladda Soomaaliya ay ku howlaneed sidii dib loogu amba qaadi lahaa shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe.