Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada dowladdda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa si kulul uga hadlay Falkii Naxdinta badnaa ee lagu xasuuqay dadka Soomaaliyeed ee marayay xeebaha dalka Yemen.
Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in falkaasi lagu laayay dadka Soomaaliyeed ay ka danbeeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Yemen, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ka sugeyso jawaab.
“Waxaa ka dhacay Yemen dhibaato wayn oo gaartay dad Soomaaliyeed oo Masaakiin ah, waxaan ku tala jirnaa inaan kala hadalno Dowladda Yemen Arrintaan, sidoo kalana Yemen waxaa looga fadhiyaa inay Jawaab cad ka bixiso Arintaan.” sidaasi waxaa yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay ka dib markii diyaarad Helicaptor ah ay ku weerartay doon ay saarnaayeen oo mareysay xeebaha dalka Yemen.
Dad ka badbaaday weerarka ayaa Warbaahinta u sheegay inay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanayey dagaallada ka socda dalka Yemen.
Dhaawaca 7 ka mid ah dadkii weerarka ka badbaaday ayaa lagu daweynayaa goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada dekadda ah ee Xudeyda.



