Wasiirka Wasaaradda Taramarta & Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in xilligaan dalka Soomaaliya ay aad u yartay tamarta ama korontada,isla markaana aysan gaarsiisneyn sidii loo baahnaa.
Waxaa ay sheegtay in baahi badan loo qabo in la helo Koronto,iyada sheegtay in Koronta dalka hadda ka jirta aysan dabooli Karin baahida loo qabo in la helo Koronto,kadib wixii ka dambeeyay burburkii dalka ee sanadkii 1991-dii.
Shirkadaha qaar ee dalka ka hirgeliyay Korontada ayay uga mahad celisay in baahi badan oo Koronto oo ay qabeen Shacabka qeyb ka mid ah ay dabooleen,hayeeshee weli loo baahan yahay in la heli koronto ku filan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Taramarta & Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay ka jiraan shirkadda Koronto,kuwaas oo adeeg koronto siiya Shacabka Soomaaliyeed,hayeeshee la sheegaa in dhaqaalaha ku baxaya ay aad u farabadan yihiin.



