DHAGEYSO: Wasiir C/laahi “Doorashadii shalay Xasan Sheekh ayay fariin u tahay”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan oo ka hadlayay Doorashadii Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ee shalay ka dhacday xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay natiijadii Doorashadaasi in ay fariin u tahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u taagan xilka Madaxwerynaha Soomaaliya.

C/laahi Sheekh Xasan waxa uu sheegay codadkii uu helay Faarax Sheekh C/qaadir macnaheedu in ay ka turjumayaan, in Xasan Sheekh Maxamuud codad sidaasi oo kale ah uu helayo, waxaana uu baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho oo aheyd mid xiiso badan ayaa soo jiidatay dareenka shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu dhacay isbedel aan la fileyn.