Muqdisho-RisaalaFM- Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa maanta ka furmay Muqdisho, shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u furay shirka waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka, iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay martida ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in Dastuurka lagu dhameeystiro waqti go’an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku amaanay Wasiiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha Wasaaradda.
Ugu dambeyn, shirkan 3da maalin socon doona ayaa wuxuu muhiim u yahay sidii wadatashiyada ay Wasaaraddu sameeyneyso loo gaarsiin lahaa Maamul Goboleedyada dalka, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed xoojiya wadashaqeeynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada.




