Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay Kulan looga hadlayay isla Xisaabtanka Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxa uu sidoo kale ku saabsanaa soo dhaweynta masuuliyiinta cusub ee loo Magacaabay Waaxaha Wasaaradda Maaliyada.
Kulanka ayaa sidoo kale Waxaa ka qeyb galay Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Hanti dhowrka Qaranka iyo Masuuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada si adag loola Xisaabtamayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay Abuukaate Mahdi in Xukuumadan ay tahay mid ku dhisan isla Xisaabtan iyo hufnaan.



