DHAGEYSO: Odawaa:” wax ka bedel ayaan ku samayndoonaa ergooyinka si aan u qancino reer Hiiran “

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaarada ay ku dadaaleyso sidii loo qancin lahaa beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu  magaalada Beledweyne kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furmay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka wuxuu sheegay iney sameynayaan wax walbaa oo ay ku qancayaan odayaashii ka carooday shirka magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay in wax ka badal lagu sameynayo qaabka wasaarada arimaha gudaha marka hore ugu talo gashay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Halkaan ayuu sheegay kadib wareysi uu siiyay VOA