DHAGEYSO: Wasaarada amniga oo shacabka Muqdisho eedeysay

Wasaarada amaanka xukuumada Soomaaliya ayaa ku eedeysay shacabka magaalada Muqdisho ineysan laamaha amaanka kala shaqeyn xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in shacabka Muqdisho kaalin ku yeelanayaan amni darada magaalada Muqdisho, haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka falalka amni darada ee dhacaya.

Wasiirka wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay iney si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya.

Falalka amni darada ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed qeyb ku yeelanayaan haddii aysan la shaqeyn hayadaha amaanka quseeya, maadaama shacabka inta badan heli karaan xogaha dhanka amaanka.