DHAGEYSO WAREYSI: Xildhibaan Dalxa oo ka hadlay Shirka IGAD ee Muqdisho ka dhacaya

Pro Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Dibada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Idacadda Risaala ayaa sheegay Soomaaliya in ay u tahay nolol cusub shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD ee dhowaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in Soomaaliya ay ku sii talaabsaneyso hormar dhan walba ah maadaama ay marti gelineyso shir aad u culus iyadoo la ogyahay in Dalka uu hada uu ku jiro xaalad bur bur ah.

Xildhibaan Dalxa ayaa sidoo kale sheegay hadii ay yihiin Guddiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in taageerayaan shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD ee dhowaan ka furmaya Magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale sheegay in shirkan waxybaaha ka soo bixi doona ay rajeynayaan in Dowladda Soomaaliya ay waxyaabo badan ka faa’idi doonto.