Muqdisho-RisaalaFM- Dawladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay dhamaan Duulimaadyada qaadka ee imaan jiray Soomaaliya.
Maalinta beri ah oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 06-09-16 ayay ka bilaaban doontaa joojinta Qaadka imaan jiray Soomaaliya, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali.
Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay in duruufo jira awgood ay si ku meel gaar ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ee imaan jiray Soomaaliya, isagoo ka gaabsaday in uu carabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay Qaadka Dalka la keeno in uu qeyb ka yahay bur burka Dalka hada uu ku jiro.


