DHAGEYSO: Wareysi xiiso badan oo aan la yeelanay Dr C/raxmaan Baadiyow

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Risaala wuxuu kaga hadlay arimo badan oo ku aadan siyaasada Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay arimaha ku aadan amaanka caasimada in lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir iyo waxyaabaha hadda keenay qorshahaasi.

Wariyaheena Maxamed Kaafi ayaa wareystay wuxuuna ugu horeyn ka hadlayaa geeridii ku timid Maxamed Abshir Waldo  oo ahaa ganacsade iyo siyaasi Soomaaliyeed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.