Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socda shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Qaar ka mid ah waxgaradka ayaa ku sugan magaalada Jowhar waxaana lagu wadaa in bilaha soo socda loo soo gabagabeeyo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.
Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa wali diidan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , waxayna ku tilmaameen mid lagu kala fogeynaayo bulshada kunool labada gobol.
Ugaas Cabdulaahi Ugaas Saalax Ugaas Cali oo ka mid ah waxgaradka ku shirsan magaalada Jowhar ayaa idaacadda Risaala uga waramay sida ay wax u socdaan.