DHAGEYSO WAREYSI: Warar ku saabsan dilka Taliye Carfaaye

Qarax Bam gacmeed ayaa lagu weeraray goobtii uu ku sugnaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, taasi oo sababtay in Taliyaha uu ku geeryoodo, sida saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ay Risaala u sheegeen.

Wararka waxa ay sheegayaan Taliyaha oo ku sugan qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe, in Bam gacmeed lagu tuuray, kaasi oo sababay Geerida Taliye Khaliif iyo ruux kale oo la joogay.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay arrintan in ay tahay mid cadow uu ka shaqeeyay.