Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay in Dab uu ka kaco Suuq-boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Sagaalkii Habeenimo oo qadar Daqiiqado la’ ayuu Dabkan kacay, waxaana uu dabka si gaar ah uga kacay qeybaha Makiinadaha Saliida iyo qeybaha Hillibka.
Dabka ayaa ku faafay suuqa weyn ee Boocle, waxaana uu basbeeliyay Hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, maadaam Gaadiidka Dam damiska aysan si dhaqsi leh ku imaan goobta.
Ustaad C/wali Yaxye Cali oo ka mid ah shaqalaha Idaacadda Risaala oo saakay tagay suuqa ayaan arrimahaasi ka wareysanay.


