DHAGEYSO WAREYSI: SOMA oo ka hadashay xariga Wariye Coldoon

Ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa aad u cambaareeyay xariga Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo shalay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ay ku xireen Ciidanka ammaanka Maamulka Somaliland.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah Xoghayaha Guud ee SOMA oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin qof bani’aadam ah oo xor ah dareenkiisa in uu cabiro loo xiro, laguna eedeynayo oo keliya in uu ka qeyb galay dibadbax lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Waxa uu sheegay qofka fikirkiisa in uu markasta xor uu yahay, arrintanna waji gabax iyo ceeb ay ku tahay Maamulka Somaliland, oo dhinacna ka sheeganaya in ay yihiin Maamul Dimuqraadi ah.