Sidoo kale cilmi baaritsan ayaa ka hadleysay sidii Dastuurka loo bidhaamin lahaa iyo sidii shacabka Soomaaliyeed looga qeyb gelin lahaa Dastuurka Soomaaliyeed, maadaama uu iyaga saamyenayo.
Kulankan lagu soo bandhigayay cilmi baarista lagu sameeyay Dastuurka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka 2020-ka, Aqoonyahano, xubno ka socday Machadka cilmi baarisata ee Heritage iyo marti sharaf kale.
Mahad Waasuge oo ka tirsan Machadka Machadka cilmi baarisata ee Heritage ayaa cilmi baaristan soo bandhigay, wuxuuna sheegay in xildhibaanada iyo xukuumada looga baahan yahay in ay turxaanbixiyaan Dastuurka, si shacabka looga tala geliyo, sidoo kalena wax wanaagsan ay uga yimaadaan.
Sidoo kale Mahad oo wareysi gaar ah siiyay Risaala ayaa waxa uu sheegay Talooyinka la soo jeediyay muhiim in ay tahay in wax lagu dhiso iyo in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka, isagoo sheegay in Madaxda Dalka ay sabab u yihiin dib u dhacyada dalka ku imaanaya.
Ugu dambeyntii Mahad Waasuge ayaa Baarlamaanka cusub ugu baaqay in ahmiyada koowaad uu ka dhigo dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka iyo ansxintiisa, isagoo sidoo kale tilmaamay in ay wanaagsanaan laheyd afti dadweyne in la qaado inta aan la gaarin 2020-ka.



