Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay rajo xumo ka muujyeen shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ee wali ka socda Magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in shirkan ay ka soo baxaaan qodobo qaar oo aan lagu qancin maadaama uu yahay shirkii ugu dambeeyay Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ay yeelanayaan.
Siyaasiga Cali Duruus Afsagaaro oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in qodobada hada la isku mari la’san yahay in ay ka mid yihiin arinta Aqalka Sare iyo waliba Warqad dhowaan Guddiga Doorashooyinka dadban ay ugudbiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.


