DHAGEYSO WAREYSI: Shabaab oo Madaafiic ku garaacay Saldhig ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Hiiraan

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab xalay waxaa duqeyn loo geystay saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada  Ceel- Cali  ee gobolka Hiiraaan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Ceelcali ee duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dhowr madfac ay ku dhufteen gudaha saldhiga ciidanka Itoobiya deegaanka Ceel Cali , islamarkaana ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

Gudoomiyaha degmada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan Abiikar Yaroow Cumar oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in saaka aroortii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen meel u dhow saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Cali Cali.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin cid ay waxyeelo kasoo gaartay Madaafiicda lagu garaacay degmada Ceelcali ee gobolka Hiiraan.