DHAGEYSO WAREYSI: Madaxtooyada Baraawe oo xariga laga jaray

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xariga ka jaray Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee Caasimada maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in bilaha soo socda ay kasoo guuri doonaan magaalada Baydhabo ayna soo gaari doonaan magaalada Baraawe.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre (Jeex) oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed shaqadiisa guud ay dhowaan ka bilaaban doonto Baraawe.