DHAGEYSO WAREYSI: Iska hor imaad ka dhacay Cadaado

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan  in iska horimaad geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  uu ka dhacay Halkaasi.

Ciidamo ka tirsan Nabad suggida Galmudug ayaa weerar ku qaaday Guri ay ku shiraan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku yaalla duleedka Magaalada Cadaado, waxaana halkaasi  ku sugnaa ciidamo boolis ah sida uu Risaala u sheegay Wariye ku sugan Cadaado.

Inkastoo dadka degaanka ay inoo sheegeen in aysan joogin goobta xildhibaanada hadana waxaa u diiday ciidanka Nabad suggida in ay xaruntaasi galaan ciidamo boolis oo halkaasi joogay.

Xildhibaan Shariif Arwaax ayaan arrimahaasi ka wareysanay.