Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen xaalada ammaan ee dalka.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Guddiyada Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay iska xog wareysteen arrimaha amniga, maalmaha soo socdana ay horgeyn doonaan Baarlamaanka.