Goolhaye David De Gae xiligaan waxaa lagu tilmaamaa goolhayaha ugu wanaagsan 5-horyaal Yurub ugu caansan sidoo kalena door weyn ku leh guulaha Man United gaareyso.
Balse waxaa la sheegay in cayaaryahan uu ka careesan yahay hab dhaqanka macalin Jose Mourinho iyo maamulka Man United oo ka gaabinayaan heshiis cusub inay ka saxiixaan.
De Gae haatan garoonka Old Trafford wuxuu ka qaataa £190,000 qandaraaskiisana wuxuu ku egyahay xagaaga 2019, balankana wuxuu ahaa in qandaraaska loo kordhiyo mushaarkiisana sare loo qaado balse maamulka United wey ka gaabinayaan arinkaan.
Dario Gol ayaa qortay in macalin Mourinho aad ugu dadaalay sidii Romelu Lukaku iyo Paul Pogba mushaar £275,000 loo siin lahaa halka uusan marnaba maamulka United kala hadlin sidii De Gae qandaraas cusub looga saxiixi lahaa mushaarkana loogu kordhin lahaa.
Sidaa darteed waxaa loo badinaa in goolhaye De Gae xagaaga dambe Real Madrid u dhaqaaqi doono madaama caasimada Spain wax walbo diyaar loola yahay.



