DHAGEYSO WAREYSI: Dagaal xalay ka dhacay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay Weerar ku qaaday Xarunta Wasaarada Gaanshaandhiga Soomaaliya oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dadka kunool Agagaarka Wasaarada ayaa xalay maqlaayay Rasaas culus oo ka dhaceysay Agagaarka Wasaarada Gaanshaadiga Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Dayniile Axmednuur Cabdi Siyaad oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay Weerar kusoo qaadeen Wasaarada laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya ee ilaalada ka haaya Wasaarada ay iska caabiyeen.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Kooxaha ay gaarayeen 6 qof , islamarkaana ay Wateen Gaari.