Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa dib uga soo laabtay Degaanadii weerarka ay ku qaadeen ee Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin Shabaab.
Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Nabad sugidda Galmudug oo ay taageerayaan Ciidamo cadaan ah ayaa Todobaadkan waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen Degaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Degaanka Camaara Yuusuf Salaad Maxamuud oo la hadlay Risaala ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in Ciidamada ay dib u soo laabtaan.


