DHAGEYSO WAREYSI: 5 Qof oo xalay lagu dilay Xawaadley

Degaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa xalay waxaa aanooyin qabiil loogu dilay Shan ruux, sida ay sheegeen masuuliyiinta Degaankaasi.

C/laahi Macaani oo ah Gudoomiyaha degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Shanta ruux ee dilka loo gaystay dilkooda inuu salka ku hayo aano qabiil.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha dhamaan dadkii la dilay in ay hayeen rag, isaga oo sidoo kale sheegay dilka in ay ka dambeeyeen rag hubaysan, kuwaasi oo  hada gacanta lagu hayo qaarkood.