Maamulka gobolka Gedo ayaa faahfaahin ka bixiyay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo.
Gudoomiye ku xigeenka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa Risaala u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland ay u diyaar garoobeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ay badan yihiin xubnaha Al-Shabaab ee soo gaaray gobolka Gedo, islamarkaana ay gaarayaan ilaa kun Askari oo wata gaadiidka dagaalka.
Degaanada ay soo gaareen Al-Shabaab ayuu sheegay in hadda ay dulheehaabayaan diyaarado dagaal.