Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay Shabaab buux dhaafiyay gobolka Gedo

Maamulka gobolka Gedo ayaa faahfaahin ka bixiyay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo.

Gudoomiye ku xigeenka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa Risaala u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland ay u diyaar garoobeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay badan yihiin xubnaha Al-Shabaab ee soo gaaray gobolka Gedo, islamarkaana ay gaarayaan ilaa kun Askari oo wata gaadiidka dagaalka.

Degaanada ay soo gaareen Al-Shabaab ayuu sheegay in hadda ay dulheehaabayaan diyaarado dagaal.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Gedo.mp3?_=1

 

Exit mobile version