Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in haatan xaalada ay degan tahay, waxaana xiisado laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolada Nugaal iyo Bari .
Deegaanadii shalay lagu dagaalamay iyo deegaano ku dhow ayaa waxaa isku hor fadhiya ururka Al-shabaab iyo wali ciidamada maamulka Puntland.
Waxaa saraakiisha maamulka Puntland ay sheegayaan in ay doonayaan in ay ka hortagaan Al-shabaab inta aysan ku sii fidin deegaano ka tirsan Puntland.
Dadka deegaanka ah eek u nool deegaanadan la isku hor fadhiyo ayaa sheegaya in laga cabsi qabo dagaalo.
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Soo Cade oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Puntlnd ay iska difaaceyso Al-shabaab.
Dagaalyahanada ka soo horjeeda maamulka Puntland ayaa waxa ay horay fariisamo ugu lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Bari sida buuraleyda Gal Galo.


