DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay ee Dacwadda Muranka Badda

Fadhigii Maalintii labaad Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ka socoday dhageysiga dacwadda dhinaca badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo idlaaday.

Guddiga sharci yaqaanada ah ee ku matalaya difaaca dacwadda badda ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay maxkamadda ka hor jeediyeen cadeymaha ay kaga jawaabayaan doodda Dowladda Kenya ay shalay Maxkamadda ka hor jeedisay.

Gudiga matalaya difaaca dacwadda badda ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay maxkamadda ka hor jeedinayaan qodobadda lahaanshaha badda Soomaaliya, si xal loogu helo muranka badda ee ka dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Garyqaanada Soomaalida oo uu hor-kacayo xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa Maxkamada ka jeediyay sharciyada ay u cuskanayaan in Maxkamadda ay soo fara geliso Muranka kala dhaxeeya Dowlada Kenya ee ku aadan soohdinta Badda

Dhageysiga Dacwadaan ayaa socon doonta illaa iyo Maalinta Jimcaha, iyadoona markaa waxii ka danbeeya ay Maxkamada ICJ guda gali doonto sidii ay go’aamo ugu gaari lahayd soo jeedinta labada dhinac ee ku aadan in Maxkamada ay soo dhex gasho arrinkaan iyo in kale.

XIGASHO: SONNA