Sacuudi-RisaalaFM- Xajku waa tiirka Shanaad ee Arkaanta Islaaamka, waxaana qofka muslimka ah ku waajiba, in uu xajiyo halmar marka ay awoodiisa noqoto.
Ku dhowaad laba milyan oo xaaji ayaa sanad kasta u yimaada xajka, waxaana sanadan 2017 ka mid ah, Todobo kun oo xaaji oo ka soo xajinaya Soomaaliya, kuwaasi oo intooda badan soo gaaray magaalada Maka Al-mukarama.
Xujeydaasi marka ay soo gaaraan magaalada Jida gegada Diyaaradaha ee Boqor C/casiis waxaa si toos ah loogu gudbiyaa magaalooyinka Maka iyo Madiina.
Warbixintan waxaa dalka Sacuudiga inooga soo diray C/qaadir Qeyska.



