DHAGEYSO: Waa sidee xaalada amni ee Baardheere ?

Baardheere-RisaalaFM- Maamulka Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay xaalada amaan ee Magaalada in ay tahay mid wanaagsan, tan iyo markii Magaaladaasi si rasmi ah looga saaray xaasaska ururka Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere ayaa aaminsanaa xogta la xiriirta amaanka in ay bixin jireen xaasaska Shabaab, balse markii Magaaladaasi laga saaray xaaladu ay noqotay mid amni ah oo aysan ka dhicin falal lidi ku ah amniga.

Ismaaciil Cabdi Qorax Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere ayaa saxaafada u sheegay xaasaska Shabaab in laga masaafuriyay Degmada.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Ismaaciil Cabdi Qorax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay wadaan Howlgallo kale oo lagu baadigoobayo xaasaska Shabaab.

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa horey u soo saaray amaro la xiriira in xaasaska Shabaab laga saaro Magaalada.