Shabaab oo dib uga baxay Qaayib

Galgaduud-RisaalaFM- Shabaab ayaa dib uga baxay Degaanka Qaayib oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, kadib markii maanta ay la wareegeen gacan ku heynta Degaankaasi.

Dadka Degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Shabaabkii maanta la wareegay gacan ku heynta Degaankaasi in ay dib uga baxeen, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah.

Shabaabka qabsaday Degaanka Qaayib ayaa la sheegay in Degaanka ay ka soo galeen Labo jiho, kuwaasi oo kala ah Degaanada Day iyo Xiindheere.

Shabaabka maanta la wareegay Degaanka Qaayib ee dib uga baxay ayaa la sheegay in ay wateen Gaadiidka Dagaalka, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya Shabaabka in Dadka Degaanka ay uga digeen in ay taageeraan Maamulka Gobolka Galgaduud.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga sababta Shabaab ay uga baxeen Degaanka Qaayib, iyo halka ay aadeen.