Waxaa Magaalada Baydhabo si hab sami leh kaga soconayo doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay Magaalada Baydhabo doorashooyin xiiso badan, Waxaa ku soo baxay Siyaasiyiin horay Xilal kala duwan ugu soo qabtay Dowladihii dalka soo maray.
Siid Cali Ibraahim Xasan oo Xubin ka ah Gudiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qaabka ay socdaan howlaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Waxa uu sheegay in ilaa hada la doortay Xildhibaano gaaraya 49 Xildhibaan, Waxaana harsan 20 Xildhibaan oo keliya kuwaasi oo ah Xildhibaanada la qorsheeyay iney ka imaadaan degaanada Koonfur Galbeed.
Inkastoo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sheegaya in si wanaagsan ay u socoto doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxaa jira Siyaasiyiin dhaliilsan qaabka ay doorashada u socoto, waxaana muran uu ka taagan yahay Kuraasta qaar ee ka soo baxay Baydhabo.


