DHAGEYSO: Uganda oo beenisay in ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya

Uganda-RisaalaFM- Dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidanka Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga saarayo.

Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya Padhi-Akunda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wararka sheegaya in ciidanka Uganda laga saarayo Soomaaliya in aysan waxba ka jirin.

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya Padhi-Akunda ayaa sheegay in aysan waxba udhimi doonin ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya mushaar dhimistii dhowaan lagu sameeyay ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Hadalka Afhayeenka ciidanka Uganda ayaa ku soo aaday xilli dhowaan warbaahinta caalamka ay shaacisay in madaxweynaha Uganda Yoweri-musofani uu sheegay in ciidanka Uganda laga saarayo Soomaaliya.