DHAGEYSO: Talyaaniga oo dib usoo celinaya Deeqihii Waxbarasho ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari ayaa sheegay in la soo celinayo deeqihii waxbarasho ee Dowladda Talyaaniga siin jirtay Ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la soo celiyo waxbarashadii horay loogu heli jiray oo ay ka faa’iideysan jireen Ardayda Soomaaliyeed.

Waxa u xusay in ay muhiim tahay in la Xoojiyo Xiriirka u dhaxeeya Wadamada Soomaaliya iyo Talyaaniga isla markaana dib loo soo celiyo waxyaabihi ay wadaagi jireen.

Waxa uu sheegay in Dowladda Talyaaniga ay waxbarasho tayo leh bixin jirtay 14 Kulliyadood oo tayo leh ay u caawin jirtay Ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Ardayda Soomaaliyeed la siiyo Waxbarasho Sare oo tayo leh, sidoo kalena la siiyo Ardayda Soomaaliyeed Waxbarasho lacag la’aan ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shalay Muqdisho lagu guddoonsiiyay Bilad Sharaf ka timid Dowladda Talyaaniga.