DHAGEYSO: Taliyaha cusub ee NISA Shabeelaha Dhexe oo xilka la wareegay

Taliyaha Cusub ee hay’ada Nabad suggida iyo sirdoonka qaranka ee gobolka Shabeelaha Dhexe Dhame Xaayoow ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa ka dib markii dhawaan la dilay alle ha u naxariiste taliyaha nabad suggida gobolka  Shabeelaha Dhexe.

Taliye cusub ee ciidanka NISA ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa xilal ka duwan ka soo qabtay hay’adda, isagoo haddana ay horyaallaan howlo badan oo la xiriira sugidda amaanka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dhame Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow ayaa munaasabada uu xilka kula wareegay waxa ay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ,waxaana kasoo qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.