Maamulka Puntland ayaa beeniyay in maamulka Somaliland ay qabteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo ku sugnaa goobihii lagu dagaalamay.
Gudoomiyaha deegaanka Haylan oo ay ku dagaalameen Puntland iyo Somaliland oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan jirin xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo gacanta u galay maamulka Somaliland.
Gudoomiyaha deegaanka Haylan ayaa sheegay in ay dileen ciidamo ka tirsan Somaliland hadana ay joogaan goobihii lagu dagaalamay.
Dhawaan dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Puntland iyo sidoo kale Somaliland ayaa ka dhacay deegaanka Haylan oo ka tirsan gobolka Sanaag ayna kuu muransan yihiin maamulada Puntland iyo Somaliland.


