Dhageyso:-Taliska Booliska Gobolka Bari oo digniin soo saaray

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari  ee Maamulka Puntland G/ Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa Sheegay In Askarigii lagu helo in uu ku xadgudbay xuquuqda Muwaadinka Eedeysanaha ah ee la soo xiro talaabo cad laga qaadi doono.

Taliyaha ayaa dhamaan saraakiisha Ciidamada faray in xuquuqdooda si dhab ah u ilaaliyaan Muwaadinka Soomaaliyeed marka la soo dacweeye iyo Marka Xabsiga uu ku Jiro oo uu eedeysanaha yahay intaba.

Ugu dambeyn Shacabka ku nool Magalada Bosaaso  ayuu ka Codasaday inay sida lagu yaqaan ay Marwalba xiriir Wanagsan layeeshaan Ciidamada Amniga Bosaaso si Looga Hortago Dhibaatooyinka dadka geysanaya falalka Amnidarro.

Hadalkan ayaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari  ee Maamulka Puntland G/ Sare Xusseen Cali Maxamuud waxaa uu sheegay munaasabad tababar looguf urayay Ciidan Isugu Jiray Booliska, Maxkamadaha iyo kuwa CID-da.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari.