Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) ayaa Afar sano kadib waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kadib markii ay maxkamad ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah.
Wariye Muudey ayaa lagu waddaa in uu maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xoriyadiisa uu dib u helo, maadaama muddo badan uu ku xirnaa dalka Itoobiya.
Boqorka Bartamaha ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay soo deynta Wariye Muudey.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay soo deynta in ka badan 100 Maxbuus oo muddo ku xirnaa dalka Itoobiya.



